Garoonka kubada cagta Xaaji Amadi Degmada Diinsoor ee gobolka baay ee koonfur galbeed ayaa maanta waxaa si toos ah looga dahfurey koob loogu magic darey tartanka isdhaxgalka bulshada Iyo nabada Degmada Diinsoor, Waxaana tartankaani ka qeyb qaadan donaan kooxaha ka dhisan Degmada oo garayaan 10 koox oo ah heerka kowaad iyo heerka labaad, waxaana loo kala saarey Group (A) Iyo (B).
Dahfurka koobkaani ayaa waxaa kasoo qeyb galey maamulka Degmada Diinsoor oo uu hogaaminaayo gudoomiye Cabdisalaan Xaaji Siidow (Ceeblaawe)` maamulka Xiriirka Kubada Cagta Degmada Diinsoor` bahda isboortiska iyo shacab weynaha Degmada Diinsoor.
Kulankii ugu horeeyey ee koobkaani loogu magic darey tartanka isdhaxgalka bulshada Iyo nabada Degmada Diinsoor ayaa waxaa lagu dahfurey kooxaha kala ah Fc Midnimo iyo Fc Xidigaha.
Kooxaha Fc Midnimo iyo Fc Xidigaha ayaa waxey soo bandhigeen ciyaar wanaag oo ay soo jiteen indhaha dhamaan shacabkii u soo daawasho tageen, iyadoona taageeriyaasha labada kooxna ka qeyb qadanayeen xamaasada labada kooxood.
Ciyaartaani ayaa waxey ku dhamaatey goal 1-0 oo ku badisey kooxda Fc Midnimo.
Tartanka isdhaxgalka bulshada Iyo nabada Degmada Diinsoor ayaa waxaa gacan weyn ka geysteen oo ay taaba galiyeen Jaaliyada koonfur galbed soomaaliya ee waqooyiga America.
BY: Siid Cali Muuse Maxamed Ateera.