Cudurka Coronavirus ee toddobadii bilood ee ugu dambeysay caalamka laga dareemay ayaa dadka uu ku dhacay waxa ay gaareen 11 malyan oo ruux iyadoo inkabadan nus malyan ruuxna ay u dhinteen.
Inkastoo cudurkan weli uu caalamku faro ba’an ku hayo ayaa dalalka qaarkood waxa ay bilaabeen inay debciyaan xayiraadihii ay soo rogeen si loogaga hortago faafida cudurka.
Dalka Maraykanka oo ka mid ah wadamada uu sida xoogga leh cudurkan uu u saameeyay ayaa waxaa Khamiistii aynu soo dhaafnay oo kaliya laga diiwaangeliyay 55,400 oo xaalado cusub oo cudurka COVID-19 ah.
Tirada dadka cudurkan u dhintey ayaa afar meel marka loo qeybiyo ayaa qeyb ka mid ah waxaa ay ahaayeen dad ku nool dalka Maraykanka.
Wadanka Brazil ayaa dad gaaraya hal malyan iyo bar waxaa laga helay cudurkan halka dalka Hindiya tirada laga helay ay sare u dhaafeen 625,000 oo ruux.