Wararka naga gaaraya magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in xalay uu halkaasi ka dhacay Qarax.
Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka degaanka Bambo gacmeed ayaa lagu weeraray Maqaayad ku taallaΒ Kismaayo.
Goobta Qaraxa lagu weeraray ayaa inta badan waxaa fadhiista Ciidanka maamulka Jubbaland, waana Mid lagu cabo Shaaha.
Waxaa Qaraxaasi ku geeriyooday wiil yar oo 12 sano jir ah oo ku sugna goobta uu Qaraxu ka dhacay.
Sidoo kale Inta la xaqiijiyay 8 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi kuwaasoo ku sugnaa Maqaayadd Bambadda lagu tuuray.
Ciidanka Jubbland ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay waxaana ay ka bilaabeen howlgallo.
dhanka kale Qarax la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay Muqdisho.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay Wadada 21-October Gaar ahaan Meel u dhow dhabaha laga galo Garoonka Muqdisho.
Waxaa laga maqlay jugta Qaraxa inta badan degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Wali lama xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay Qaraxa.