Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwanageliyay, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 13 xaaladood oo cusub laga kala diiwaangeliyay Somaliland 5, Jubbaland 4, Banaadir 2 iyo Galmudug oo 2 laga helay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in bukaanada cusub ay 6 ka mida rag yihiin, halka 7-da kalana ay haween yihiin, waana markii ugu horeysay oo haweenku ka bataan ragga, maalin qura intii xaaladahan dalka laga diiwaangelinayay.
Sidoo kale waxaa xanuunka ka bogsaday 55 bukaan oo muddooyinkii ugu dambeysay xanuunka la tacaalayay, taasoo wadarta guud ee xanuunka ka caafimaaday ka dhigeysa 1,264 qof.
Ma jirto wax bukaan ah oo dalka ugu geeriyooday cudursidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno, waana maalintii 7aad oo xiriir ah, oo aan dalka laga soo warin xaalado dhimasho ah, walow ay horey ugu geeriyoodeen 92 qof.
Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliya dadka laga helay xanuunka ee ku sugan gudaha dalka waxaa ay tiradoodu gaartay 3,051 qof.