Kulan looga hadlaayay fatahaaddaha Webiga Shabeelle uu ka sameeynayo deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Maxamed Bauukar Cabdi ayaa Shir guddoomiyey kulanaas oo intiisa diirada lagu saaray saameynta fatahaada Webiga uu ku yeeshay Degmada Afgooye.
Xubnaha kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ay sheegeen in webiga uu saameyn ballaaran ku yeeshay qoysas danyar oo degan Xaafado iyo deegaano hoostaga Degmada Afgooye.
Sidoo kale xubnaha ayaa tilmaamay in dadka uu sameeyay fatahaada Webiga ay u baahan yihiin inay helaan Gargaar Bani’aadannimo, isla markaana ay xaalad adeg ku heysato deegaano ka tirsan Gobolka ay ku sugan yihiin.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys