Wararka ka imaanaya Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay goor fiidkii uu soo dumay guri saddex ka koobnaa oo ku yaalay degmadaasi.
Dhismahan oo qadiimi ahaa ayaa ku yaala xaafadda Raqayga oo ku dhow Masaajidka caanka ah ee Marwaas, waxaana nolosha lagu soo badbaadiyay 12 qof.
Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Carab) ayaa sheegay in 5 ka mida dadkaasi laga soo saaray burburka dhismaha, iyagoo qaba dhaawacyo fudud.
Gudoomiyaha ayaa iftiimiyay inaanay jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay burburkaasi, marka laga soo taggo dhaawacyada fudud ee 5-taasi qof ka soo gaaray.
Gudoomiye Carab ayaa intaa ku daray in la soo geba-gabeeyay gurmadkii ballaarnaa, ee loo fidinaayay dadkii ku hoos jiray burburka dhismahaasi.
Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gudoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tagay halka uu ku yaalo dhismahaasi burburay, waana intii uu gurmadka xoogiisu socday.
Burburka dhismahaan ayaa la isla dhex maraya in uu soo dedejiyay roobabkii xooganaa, ee maal mahaanba ka da’aayay Magaalada Muqdisho.