Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Ciidanka Kumaandooska Danab, ay ku leeyihiin Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliyaha ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiisha Kumaandooska Danab.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu kormeer indho-indheyn ah uu ku soo sameeyay qaybaha ay ka kooban tahay Xerada Ciidanka Danab ku leeyihiin Balli-doogle.
Balli-doogle waxaa degan Taliska Guutada 16aad Danab, ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, waana mid ka mid ah cutubtada sida gaarka ahi u tababaran ee qarankan uu leeyahay.
General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, tallaabada uu u kormeeray Xerada Balli-doogle waxaa ay la xiriirtaa u kuurgelidda iyo la socodka xaaladda guud ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday Xerada Balli-doogle
previous post