Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda KMG ayaa u codeeyay Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda ee dalka.
Xildhibaanada ayaana doodo ka yeeshay sharcigan kahor inta aysan codka u qaadib, waxa ayna xildhibaanada ku kala aragti duwanaayeen wax ka bedelka Sharcigan la horgeeyay.
Waxaa u codeeyay in wax kabedelka sharciga xisbiyada dalka 137 Xildhibaan, waxaa diiday in sharcigan wax laga bedelo 3 Xildhibaan halka ka aamuseen 3 Xildhibaan.
Gudoonka golaha shacabka ayaa gabo gabada kulan shaaciyay in Xildhibaanada cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen wax kabedelka Sharciga Xisbiyadda dalka oo la horkeenay golaha shacabka