Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa xalay lagu qabtay xaflad ballaaran, oo lagu soo geba-gabeenayay shirkii wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah ku lahaayen magaaladaasi.
Munaasabadan oo hal-ku-dhig looga dhigay “Gunaanadka shirweynaha wadatashiga Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah” ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka kala tirsan Gole-yaasha Fulinta & Sharci-dejinta ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba.
Madaxweynaha Galmudug oo madasha munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ee Magaalada Dhuusamareeb uga qaybgalay kulamadii la isugu soo dhaweynayay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa mahadcelin ka dib waxaa uu yiri “Waxaan leenahay intii aad shaqooyinkii iyo xafiisyadii ka maqneydeen in ka muhiimsan baa qabateen, in ka weyn baa qabateen. Tii gaar gaarka ahayd middii guud baala qabtay, runtii ammaan iyo sharaf baan idin heynaa, haddaan nahay reer Galmudug, Soomaali oo dhana way idin heysaa.”
Dhuusamareeb oo lagu qabtay xaflad lagu soo xiraayay shirka (SAWIRRO)
previous post