Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Kenya ay dileen labo qof oo Soomaali ah.
Dilkan ayaa ka dhacay Suuqa Xoolaha magaalada Gaarisa,halkaasoo Ciidamada Booliska ay soo galeen, iyaga oo baadigoobayay rag dambiilayaal ah, waxaana ay rasaas ay fureen ku dhintay labo qof oo Soomaali ah.
Ciidamada ayaa xiray Suuqa Xoolaha Gaarisa, iyadoo dilka labada qof uu ka dhashay banaan bax rabshado watay oo ay dhigeen shacabka magaalada oo dalbanayay in cadaalad loo helo dilkaas.
Wararka ayaa sheegaya in dadka la dilay ay ahaayeen kuwo dalaal ka ahaa Suuqa magaalada Gaarisa, waxaana ay shacabka magaalada ka dalbadeen dowladda Kenya inay tallaabo ka qaado askartii ka dambeysay dilka.
Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa Bartiisa Twitter-ka ku qoray in gacanta lagu soo dhigo Saraakiisha dilka, lagana qaado tallaabo degdeg ah.
Suuqa Weyn ee Magaalada Gaarisa ayaa Maanta xiran, waxaana dad ka carooday dilka labada qof ay taayaro ku gubeen waddooyinka laga galo suuqa, iyaga oo diiday in Suuqa la galo lagana baxo.