Sii-hayaha Ra’iisul wasaraha ahna Raiisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xilka ka qaaday xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdirasaaq Xuseen Aadan, xilkaan loo magacabay todobaadkii hore.
Cabdirasaaq Xuseen Aadan ayaa waxaa lagu bedelay Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim oo horey u ahaa ku-xigeenka xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
“Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo uu batiisa Twitterka soo dhigay Mahdi Guuleed.