Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Masβuuliyadda qaraxii Maanta ka dhacay xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 27-ka April oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid Ismiidaamin ayaa la sheegay in lagu dhuftay iridda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Qaraxa ka dhashay, waxaana Qaraxa uu ahaa Mid xooggan, inkastoo aan weli la helin tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Masβuuliyadda weerarkaas kadib war qoraal ah oo kasoo baxay oo lagu faafiyey warbaahinta ku hadasho afkooda.
βMujaahidiinta ayaa qarax ismiidaamin ah ku beegsaday saldhigga guutada 27aad ee Ciidamada Dowladda oo kutaalla dhabarka dambe ee xaruntii xisbiga waxaana jira khasaara xooggan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiidβ ayaa lagu yiri war si hordhac ah ugasoo baxay Al Shabaab.
Ciidamada Guutada 12-april waxa ay xeradaan ku leeyihiin Xeradii Cuuryaamiinta oo dhismo ahaan dhanka Garoonka Cayaaraha iyo Xaruntii Xisbiga ay ka degen yihiin, waxaana u xiran wadada isku xirta Isgoysyada Janaraal Daauud iyo Baar ayaan.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii xirada ku sugnaa, dad Shacab ah oo meesha dagan iyo Shacab kale oo saarnaa baabuurta dadweynaha oo marayey goobta qaraxa ka dhacay.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya Saameenta Uu yeeshay Qaraxa Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen 18-kale, kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu ku qarxay Xero ay leeyihiin Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 27-aad.
Sida ay xaqiijiyeen waaxda Gaadiidka Gurmadka degdeg ah dadka dhaawaca ah waxaa la geeyay isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho si looga daweeyo waxyeelada gaartay, halka dadka dhintay qaarkood la dhigay Goobaha Caafimaadka.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku geeryootay illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamadii ku sugnaa Xarunta la weeraray, waxaana suuragal ah inay tirada intaas ka badato maadaama gaariga qarxay uu gudaha u galay xerada.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda oo ku saabsan qaraxan, waxaana uu ku soo beegmayaa qaraxa iyada oo magaalada inta badan waddooyinkeeda yihiin kuwo xiran, isla markaana isgoysada la dhigay ciidamo.
Xirada weerarka qaraxa ah lagu qaaday ayaa waxaa degen Ciidamo katirsan Militariga Dowladda gaar ahaan qaybta 27-ka April oo dhismahaan ay degen yihiin loogu magac daray, waxaana u xiran wadada u dhaxeysa Isgoysyada Baar-Ayaan iyo Jaranaal Daaβuud oo dhanka bidix ka marta Hoteelkii Isbartiibada.
Xerada waxaa ku sugan Ciidamo katirsan Militariga Dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka howlgalaan Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, balse xerada ayaa u ah talis lagu kala badalo.