Dadka dhigaya mudaharaadyada ka socda caasimadda dalka Lebanon ee Beirut ayaa galay xarumo wasaaradeed oo ay dowladdu leedahay, xilli ay sii xoogeysanayaan rabshadaha salka ku haya qaraxii weynaa ee Talaadadii ka dhacay Beirut.
Qaraxyadii ka dhacay Beirut waxaa ku geeriyooday in ka badan 158 qofood, waxaana nolol iyo geeri lagu laβyahay 60-qof, halka in ka badan 4,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Booliska Beirut ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo weliba rasaas u adeegsaday dibadbaxayaasha gudaha u galay xarumaha wasaaradaha, iyadoo markii dambe awood looga saaray dadkii gudaha u galay xarumahaas.
Raβiisal wasaaraha dalka Lebanon Xasan Diyaab, oo telefishinka kala hadlay shacabkiisa, ayaa sheegay in uu codsan doono doorasho baarlamaan oo xilligeeda laga soo hormariyo si looga gudbo xiisadda taagan.
Qaar badan oo kamid ah shacabka Lebanon ayaa ka careysan sababta looga hortagi waayay qaraxyadii ka dhashay kiimikadii lagu keydiyey dekedda Beirut, oo kumannaan tan oo ah maadada qaraxda ee ammonium nitrate