Xukuumadda Gariiga ayaa ugu baaqday Turkiga in uu dib ugala baxo Markab ka soo ambabaxay dekad ku taalla Turkiga kaasi oo sahan qodid shidaal ka samayn doona bariga badda Mediterranean-ka.
Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa marar badan sare u kacday, balse murankan imika ku saabsan keydka Gaaska ee badda ceegaga ayaa laga cabsi qabaa in xiisadda ay cirka isku sii shareerto.
Markii xukuumadda Turkiga ay bishii July ku dhawaaqday in Markab baaritaan shidaal sameeya ay jasiiradda Kastellorizo, ayaa waxaa murankii ka dhashay markii hore xalisay dowladda Jarmalka oo imika haysa jagada madaxwaynaha Midowga Yurub.
Balse imika markii uu markabka Turkiga oo ay weheliyaan 5 markab oo kale ayaa waxaa mar kale soo cusboonaaday muranka.
Labadan dalka oo ka wada tirsan gaashaanbuurta Nato ayaa waxay is waydaarsadeen hadalo dhiilo xambaarsan.
Dowladda Gariiga ayaa wacad ku martay inay difaci doonto madaxbanaanideeda islamarkana midowga Yurub oo ay Gariiga xubin ka yihiin ayaa wadaxaajood ku baaqay.