Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in cuno-qabateyno cusub ay kusoo rogaan wadanka Belarus oo ay rabshado xoogani ka socdaan.
Rabshadaha ayaa yimid kadib markii dhawaantan ay wadankaasi ka dhacday doorasho uu muran xoogan ka dhashay.
Xoghayaha arimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in ay cuna-qabateyno ay saarayaan mas’uuliyiinta Belarus ee ka dambeeyay doorashada muranka dhalisay dad badana ay ku dhinteen.
Doorashadii dhacday Axadii lasoo dhaafay ayaa lagu dhawaaqay in markii 6-aad uu ku guuleystay hoggaamiyaha 65-sano jirka ah ee Alexander Lukashenko, xilli ay mucaaradku ku doodayaan in doorashada lagu shubtay.