Wasiir-udowlihii madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise ayaa goor dhowayd ku geeriyooday magaalada Garowe.
Geeridiisa waxaa loo sababeeyay markii neefshada ku adkaatay .
Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr, Jaamac Faarax Xasan oo aan qadka talefoonka kula xidhiidhnay ayaa inoo xaqiijiyay geerida wasiirka.
Marxuumka ayaa lagu waday in isla saakay loo qaado magaalada Muqdisho si halkaas xaaladdiisa caafimaad loogusoo dabiibo.
Lama oga inuu u geeriyooday cudurka conaravirus.
Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa dhawaan ka digtay halista cudurka Covdi9, iyadoo sheegtay in ay soo kordheen kiisas cusub.
Puntland waxaa horey cudurka Covdi19 ugu geeriyooday wasiirka deegaanka Puntland iyo kormeerihii wasaaradda waxbarashada gobolka Nugaal
Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka tacsiyeeyey Geeriga Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise oo saaka ku geeriyooday caasimadda Garoowe ee gobolka Nugaal.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, Golaha Xukuumadda, shaqaalaha Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Marxuum Maxamed Xasan Ciise. Madaxweynuhu, waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Puntland iyo ehelkiisiiba.