Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in shalay ilaa iyo maanta ay halkaasi ku sii qul qulayaan wufuud kala duwan.
Ilaa iyo hadda waxaan tegin madaxda maamul goboleedyada qaar sida Puntland iyo Jubbaland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isagu ku maqan mgaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halka Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland uu joogo magaalada Kismaayo.
Shalay waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo, wufuud kale ayaana la filayaa in ay isla maanta gaaraan magaalada Dhuusamareeb, si ay qayb uga noqdaan shirka Dhuusamareeb Saddex, ee u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dawlada Soomaaliya.