Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Qarax ku bilowday oo Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.
Weerarka kadib, ayaa waxaa uu dagaal toos ah dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa KGS iyo Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Saldhiga, waxaana weerarkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.
Ugu yaraan dad ku dhow 8 qof ayaa ku geeriyooday weerarka, halka tiro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loo qaaday dhinaca Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah la eegtay Guddoomiyihii deegaanka Goof-gaduud Isaaq Cali, Taliyihii Saldhiga deegaankaas iyo Saraakiil kale, xili ay kusii jeedeen Saldhiga la weeraray.
“Weerarka Saldhiga kadib ayay Al-shabaab isticmaaleen Qorshe kale, iyaga oo Meyd ku soo xiray qarax, waxa goobta ku baxay Guddoomiyihii Deegaanka Goof-gaduud iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska Dwoladda Somalia.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan weerarkii lagu qaaday Saldhigooda deegaanka Goof-gaduud oo qiyaastii 30-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.