Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay Weerarkii qaraxa ku bilowday ee gelinkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Elite ee xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu socday 5 saacadood oo xiriir ah ay ku dhinteen dad aad u badan oo ay ku jireen Mas’uuliyiin, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa tacis tiiraanyo leh u dirtay qoysaskii iyo ehelkii dadka ku geeriyooday weerarka lagu qaaday Hotelka Elite, halka dadkii halkaas ku dhaawacmay ay u rajeeyeen Caafimaad Deg-deg ah.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad u adag u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay inay garab istaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiliyada ay jiraan xaaladaha adag gaar ahaaan markii ay dhacaan weerarkii oo kale.
Al-shabaab ayaa warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku geeriyooday 16 qof, halka qofna ay ku dhaawacmeen.