Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxay ansixyeen Xeer Isgaarsiinta Puntland, ka dib shir ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.
Shirkan ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Puntland ku leedahay Facebook.
Qoraalka ayaa u qornaa sidaan “Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta Puntland.”
“Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay amniga guud, dhisidda Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax, xaaladda Ayaxa, midaynta Akoonada Dowladda (TSA), dib u habaynta mushaharka shaqaalaha iyo dhismaha garoomada kubadda Cagta Puntland.”