Diyaaradda A Star El Al plane ayaa goor dhow ka cago-dhigatay Magaalada Abu Dhabi ee dalka Emirate-ka Carabta, ka dib markii ay ka soo duushay Garoonka Ben-Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.
Diyaaradda ayaa siday wafdi ka socday Mareykanka iyo Israel, sida Lataliyaha sare ee Madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner iyo Lataliyaha Amniga Qaranka Israel, Meir Ben-Shabbat.
Waa diyaaraddii ugu horeysay oo Israel laga leeyahay oo duulimaad ku tagta dalka Emirate-ka Carabta, inta ay taariikhda qoreyso.
Mareykanka ayaa ka shaqeeyay inay labada dhinac isu soo dhawaadaan, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Benjamin Netanyahu, Ra’iisal Wasaaraha Israel ayaa Axadii wafdi ka socday dalka Mareykanka u sheegay inay wadahadalo qorsoodiya kula jiraan dalal kale oo Carbeed, kuwaa oo sida uu sheegay raaci doono wadadii Emirate-ka Carabta.
Xiriirka curdunka ah ee u bilowday Abu Dhabi iyo Tel Aviv ayaa waxaa si weyn uga horyimid Falastiiniyiinta, ay dhulkooda xoogga ku haysato Israel.
Maamulka Abu Dhabi ayaa aqbalay in uu xiriir iskaashi la bilaabo Israel, iyadoo aan weli xal rasmi ah laga gaarin colaadda Falastiiniyiinta kala dhaxeysa Maamulka Yahuudda.
Geesta kale Qarax xoogan oo laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Abu Dhabi ee dalka Emirate-ka Carabta ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaaladaasi.
Qaraxa ayaa ka dhex dhacay dhisme ay ku dhex taalo maqaaxi lagu magacaabo KFC. Maqaaxidan la bartilmaameedsaday ayaa sidoo kale ku taala wadada gasha Garoonka Abu Dhabi.
Qaraxan waxaa lagu soo beegay, xilli ay garoonkaasi ka cago-dhiganeysay diyaaraddii ugu horeysay, oo Israel laga leeyahay oo maanta duulimaad ku tagtay dalkaasi.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray xoogaga ammaanka, kuwaa oo wadooyinka soo gala xiray, sidoo kalana waxay ciidamadu baaritaan ka wadaan gudaha maqaaxida, iyagoo markaasi raadraac ku sameynaya kuwii qaraxaasi ka dambeeyay.
Saraakiisha ammaanka ayaan weli ka hadlin nooca uu qaraxu ahaa iyo weliba khasaaraha ka dhashay, marka laga soo taggo in burbur uu ka soo gaaray dhismaha maqaaxidaasi.