Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa maanta wafdi u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya, Xersi Rooble, waxaana ku wehlinaya socdaalka maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ,Axmed Macallin Xasan.
Sidoo kale waxaa wafdigaasi ka mid ah qubaro ajaaniib ah oo ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u dirtay garoonka Beledweyne, kuwaas oo indho indheyn doono garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaasi.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismsan iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdigan ku soo dhoweeyey gudaha magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay in sidoo kale ay dhagax dhigo doonaan mashruuc laga fulin doono daroonka iyo tababar loo furayo shaqaalaha garoonka, kaas oo kor loogu qaadayo aqoontooda.
Garoonka Beledweyne ayaa u baahan dib dayactir ballaaran, waxaana dhowaan ku dhacday diyaarad sahay u siday ciidamada Jabuuti, taas oo laga lahaa wadanka Kenya.
geesta kale Sii-hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya xirsi Rooble iyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sa wadijir u dhagax dhigay dhismaha cusub ee qeybta baarista garoonka ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.
Munaasabadda oo ka dhacday gudaha garoonka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday wasiiradda dowlad goboleedka Hirshabeelle Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliiyin kale oo kala matalayay heer gobol,Degmo iyo qeybaha bulshada.
Dhismaha qeytaan maanta la dhagax dhigay ayaa ka mid ah baahiyaha garoonka maadaama uusan laheyn dhisme lagu baaro dadka sido kale waxaa lagu soo bandhigay shaqaalle loo tababar maamulka garoonka .
Arrintaa ayaa ka dambeysay kaddib markii 14 julay ee sanadkaan 2020 ay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ku gubatay Diyaarad laga lahaa dalka Kenya kana soo duushay dalka Jabuuti taasi oo raashin u siday ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl-galka midowga Africa ee Amisom.
Wafdigaan ee uu hogaaminayay sii hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya xirsi aadan rooble ee saakay gaaray Baladweyne ayaa waxaa ku wehlinayay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan sidoo kale waxaa qeyb-ka ahaa quburo ajaanib ah uu hay’adda kala shaqeeyaan arrimaha hormarinta garoonmada dalka.