Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa soo geba-gabeeyay hawlgal waddo furis ah, oo ay ka wadeen inta u dhaxeyso deegaanada Janaay Cabdalla iyo Buulo-Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.
Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Koojaar), Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in halka hawlgalka laga sameeyay, ay xilliyada qaarkood ku dhuumaaleysan jireen maleeshiyada Al Shabaab.
Taliyaha ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in wadadaasi laga sifeeyay maleeshiyadii Al Shabaab, ee go’doominta ku hayay deegaanadii horey looga saaray.
Sidoo kale waxa uu Aadan Koojaar sheegay in intii uu hawlgalku socday in lagu dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab, laguna burburiyay saldhigyo ay kaga sugnaayeen.
Hawlgalkan ayaa daba socdo gulufkii horaantii bishan Shabaabka looga saaray deegaanka Birta Dheer, oo ku yaala barta kala qaybisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow.
dhankale Tiro dad ah oo lagu xiray Magaalada Kismaayo
Hay’adaha ammaanka ee Jubbaland ayaa ugu yaraan labaatan qof ku xir xiray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Ku-meel-gaarka Jubbaland.
Hawlgal laga sameeyay xaafadda Calanley ayaa dadka lagu soo qab qabtay waxay isugu jiraan ganacsato ka ganacsaneysay maandooriyaha iyo dad kaloo isticmaalayay.
Dadkan ayaa waxaa iminka lagu haya xarumaha laamaha amniga ku leeyihiin Magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa in sharciga la horkeeno, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Kismaayo, Gaashaanle Warsame Axmed Geelle.
Taliyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in hawlgalkan uu yimid, ka dib markii dadka ku dhaqan xaafadda Calanley ay dhibsadeen in lagu dul ganacsado qamriga iyo xashiishadda.
“Saakay waxaan ka hawlgalnay kooxda qowleysatada ee qamriga iyo xashiishadda ku cabta ama keenta Magaalada Kismaayo. Kooxdaas waa koox maskaxda bani’aadamka la dagaalameysa, oo maskaxda Magaalada Kismaayo la dagaalameysa, kuwaasaa ka hawlgalnay, oo ka soo qabanay illaa labaatameeyo qof, oo hadda aan gacanta ku haynaa. Waxaan u gudbin doonnaa bahda cadaaladda, maxkamadaha iyo xeer ilaalinta, hadduu Alle idmo, ka bacdina sharciga iyo habka la rabo marin doona.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa xusay in hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgalada Ciidanka Booliska ka wadaan xaafadaha Magaalada Kismaayo, ee lagula dagaalamayo maandooriyaha.
Hawlgalkan ugu dambeeyay ee laga sameeyay xaafadda Calanley ayaa ku soo aadaya, xilli waalidiinta reer Kismaayo ay aad uga walaacsan yihiin dhibaatooyinka uu ku hayo ka ganacsiga maandooriyaha.
geesta kale deegaanka Dhoobley Askari dil iyo dhaawac u gaystay shacab oo gacanta lagu dhigay
Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, saacado ka dib markii uu dilay qof shacab ah, mid kalana uu dhaawacay.
Askariga ayaa falkaasi ka dib isu deyay inuu ka baxsado deegaanka Dhoobley, ka hor intii aanay gacanta ku soo dhigin xoogaga ammaanka ee Jubbaland.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in askarigaasi uu iska caabin ugala horyimid ciidankii u soo baxay inay gacanta ku soo dhigaan, ugu dambeena ay ku guuleysteen in isagoo bad-qaba ay gacanta ku soo dhigaan.
Saraakiisha ciidamada iyo Maamulka Dhoobley ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay askarigii labada qof ee rayidka ku dhibaateeyay halkaasi, isla-markaana la horkeeni doono sharciga.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbland ayaa go’aano adag ka qaadata askarta dilka u gaysata askarta kale iyo weliba dadka rayidka ah, iyadoona horey Magaalada Kismaayo loogu toogtay askar lagu helay inay dileen dad isugu jira askar iyo rayid.