Dagaalkaan oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaano hoostaga degmada diinsoor ee Gobolka Baay.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Diinsoor ayaa sheegay in xubno katirsan Al-Shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay Deegaanka labo warood oo hoostaga Degmada Diinsoor,sidoo kalena ay bur buriyeen Xarumo ay lahaayeen.
Guddoomiye Cabdisalaan Haaji Siidow Maxamed ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay, kadib markii ay qadeen Ciidamo katirsan dowlada iyo kuwakoonfur galbeed kadib ay heleen xog ku aadan in Shabaab ay degaanka Labo warood isku aruursanayaan.
Howlgalkan waxaa uu ahaa mid hore aan u qorsheysanay waana ku guuleysaney waxaana sii wadi doonaan ka hortaga iyo xaqiijinta Amniga guud ee degmada ayuu yiri” Guddoomiye Diyaar”