Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo guddoonka Aqalka Sare iyo guddiga joogtada ah ee golahaas, iyadoo su’aalo laga weydiin doono arrimo dhawr ah.
Horay waxaa guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare u hor tegay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, iyagoo weydiiyey su’aalo dhowr ah, kuwaas oo uu uga jawaabayey si toos ah.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo Talaadadii soo gaaray magaalada Muqdisho, isla markaana degan nawaaxiga madaxtooyada ayaa waxaa yaraa dhaq dhaqaaqiisa, marka loo eego kan madaxweynaha Puntland, markii laga reebo kulamo gaar-gaar ah oo habeenadii lasoo dhaafay uu hoygiisa ka waday