Doorashadii gobolka ismaamulka Tigreeda ayaa saaka waxaa ka bilaabatay doorasho ay codeynayan shacabka gobolkaasi, iyaga oo iska dhaga tiray baaqa dowladda dhexe ee ah in aan dorashadaasi la qaban Karin.
Codbixiyayaasha ayaa waxay aroortii hore ee saaka u dareereen goobaha loo asteeyay inay codeynta ka dhacdo.
Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay hor istaagto doorashada.
Raiโsul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa diiday muhiimada ay leedahay doorashadan, isaga oo sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah goโaan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June.
Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira feyriska Corona.
Mr Abiy ayaa sheegay in doorashada maanta dhacayso aysan wax farqi ah ku keeni doonin goโaankii horey loo gaaray ee dib u dhigidda dorashada.