Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa qoraal uu soo saaray marka hore ku soo dhaweeyay tallaabadii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ku meel-mariyeen heshiiskii Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku gaareen Magaalada Muqdisho.
“Waxaan bogaadinayaa goโaanka ay Labada Gole ee Baarlamaanku wadajirka ugu ansixiyeen heshiiska doorashada. Tallaabadaas ayaa dalka u jiheyneysa dariiqii doorashada.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka.
Iyadoo heshiiskan uu ku qotama hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka ayuu Xasan Cali Khayre ku baaqay in nidaamka doorashada ay noqoto mid loo dhanyahay, daahfuran, xor iyo xalaal ah.
“Waxaan ku baaqayaa in nidaamka doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daahfuran oo u qabsoonta si xor & xalaal ah.” Ayuu Khayre oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Khayre ayaa bishan iclaamiyay inuu yahay musharax u taagan jegada madaxtinimada ee dalka, ka dib markii Xildhibanada Golaha Shacabka ay kalsoonida kala laabteen 25-kii bishii Luulyo.