Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA uuna ku weliyo Taliyaha hogaanka dabagalka siyaasiyiinta ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Ilo wareydo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Taliyaha NISA iyo Taliyaha hogaanka dabagalka siyaasiyiinta mucaaradka ah ay dalkaas kulamo xasaasi ah kula qaateen madaxda sare ee dalkaas.
Kulamadaas waxaa la sheegay in labada dhinac ee Qatar iyo wafdiga NISA ay uga wada-hadleen doorashooyinka Soomaaliya oo bilaabanaya horaanta bisha November.
Saraakiil aad ugu dhow Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo naga dalbaday in magacooda aanaa warbaahinta u adeegsan ayaa noo xaqiijiyey in Fahad Arbacadii la soo dhaafay uu gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, waxaana safarkiisa ku wehliya Taliyaha hogaanka dabagalka siyaasiyiinta.
Warar hoose ayaa sheegaya in safarkan uu daaranyahay sidii Taliyaha hogaanka dabagalka siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladan Cabdulahi Dheere uu ulaba jibaari lahaa cadaadinta siyaasiyiinta xildoonka ah, isla markaana u dardargelin lahaa ololaha lagu soo-saarayo xildhibaanada cusub ee lasoo xuli doono dhamaadka sanadkan.
Taliyaha hoggaanka dabagalka ayaa la sheegay in uu heysto dhalasho Qatarian ah, waxaana la aaminsayahay in uu kamid yahay shaqsiyaadka aadka ula shaqeeya Fahad Yaasiin.
Safarka madaxdaan ayaa la sheegay in uu qaadan doono maalmo, waxayna xooga saari doonaan sidii doorashada soo socota ay guul ugu keeni la haayeen.