Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xanuunka Covid-19 ay suurtagal tahay in dunida ay ugu geeriyoodaan illaa labo milyan oo ruux.
Haatan ku dhawaad hal milyan oo ruux ayaa dunida oo idil ugu geeriyootay xanuunkan, tan iyo markii uu sanadkii hore ka bilawday wadanka Shiinaha.
Sidoo kale kiisaska fayriskan ayaa ka badan 32 milyan oo kiis dunida oo idil
Wadamada Mareykanka, Hindiya iyo Brazil ayaa ah sadaxda wadan ee uu saameenta ugu adag ku yeeshay xanuunkan.
Wadamadaasi oo qura waxaa laxaqiijiyay in dadka Fayraska-Karona uu kusoo ritay ay ka badan yihiin 15 miyan oo ruux.