Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaaliya ayaa cod aqalabiyad leh ku meel mariyay heshiiska waxbarashada ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen sannadkii 2016-kii, kaddib markii ay ogol u codeysay 150 xildhibaan.
Heshiiskaan ayaa todobaadyo ka hor waxaa la horgeeyay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo lagu tilmaamay in uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada dalka.
Xildhibaanda ayaa sidoo kale akhrinta koowaad marsiiyay sharciga dhismaha hey’adda diiwaan-gelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga.
Sharcigaan oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa xildhibaannada ka hor aqriyay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Isaaq Maxamed Maxamuud.