Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Somaliyeed iyo wafdi uu hogaaminayey oo ay qeyb ka ahayeen Guddoomiye kuxigeenka Wakiilka Koonfur Galbeed Hay’adda Batroolka u qaabilsan oo Baydhabo gaaray.
Xarunta Madaxtooyada oo ka qabsoomay kulanka ayaa Madaxweynaha soo dhoweyey wafdiga, waxaana uu ka dhagaystay socdaalkooda Baydhabo iyo Qorshaha uga degsan soo saarida Batroolka si Kheyraadka Batroolka looga faideyo Bulshada Soomaaliyeed qeynba uga qaato Kobcinta dhaqaalahana Dalka
Gudoomiyaha Gudiga hay’adda Batroolka ahna Mareeyaha hay’adda Ibraahim Cali Xuseen ayaa Warbixin ku saabsan safarkooda Baydhabo ka siiyey Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxaana uu sheegey inuu yahay safar ay ku xoojinayaan wadashaqaynta Wasaaradda Batroolka Koonfur Galbeed iyo Hay’adda si si wadajir ah looga qeyb qaato soo saarida Batroolka Dalka
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa uga mahadceliyey Gudiga Hay’adda Batroolka socdaalkoodi ugu horeyey ee Baydhabo ku tageen, taasi oo muujinaysa dadaalada Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso soo saarida kheyraadka ku jira deeganada Koonfur Galbeed.