Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku weerareen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay tiro madaafiic ah ugu jawaabeen Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaasi.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.