Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goor dhaw cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Golaha Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Raโiisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.
Dhamaan xildhibaannadii fadhiga soo xaadiray oo ay ridadooda dhameyd 188 mudane ayaa si wada jir ah u ogolaaday Golaha Wasiirrada.
Raโiisal Wasaare Rooble oo khubad ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyay xildhibaannada codka kalsoonida ah oo ay siiyeen xukuumaddiisa, isaga oo dhinaca kale kula dardaarmay Golaha Wasiirrada in ay gutaan waajibaadkooda Qaran