Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Golaha Wasiirada Cusub u gudbiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka, waxaana wasiirada Cusub ee Xukuumadda uu la wadaagay faahfaahinta Miisaaniyadda Dowladda.
Wasiir Beyle oo kulanka kadib Qoraal soo saaray ayaa sheegay in kulanka uu ahaa sidii la isaga isaga kaashan lahaa dar-dargalinta iyo sare uqaadidda Dakhliga Gudaha Dalka.
“Maanta waxa aan Wasiirada Cusub ee Xukumadda la wadaagnay faahfaahinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka oo hada diyaarinteedu ay gabo-gabo tahay.Muhiimadda kulankeenuna waxa uu ahaa sidii aan isaga kaashan laheyn dar-dargalinta iyo sare uqaadidda Dakhliga Gudaha Dalka.Waxa aan u mahadcelinayaa R.wasaare ku xigeenka Xukumadda Mahdi M. Gulaid oo shir gudoon inoo ahaa, sidoo kale waxa aan dhankooda u mahadcelinayaa Wasiiradii fikir iyo talaba nala wadaagay” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Faaduma Axmed Nuur ayaa Maanta loo dhaariyay xilalka loo magacaabay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Mahdi Guuleed iyo Faaduma ku dhaariyay Xarunta Villa Hargeysa oo uu ka dhacay kulan ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
“Waxaan maanta tagay Xarunta Golaha Shacabka aniga oo gutay dhaarta dastuuriga ah, waxaan Eebbe ka baryayaa in uu igu garab galo howsha qaran ee la ii igmaday” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo Qoraal soo saaray.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ayaa dalka ka maqnaa markii la dhaarinayay Golaha Wasiirada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana Mahdi uu safar ugu maqnaa dalka Uganda, isagoona dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa maalintii sabtida aheyd Codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo la dhaariyay Golaha.