Dhulgariir xoog leh ayaa ku dhuftay badda Aegean, waxaana laga dareemay dalalka Greece iyo Turkey, halkaas oo dhismayaasha qaar ay ku dumeen gobolka xeebta ku yaal ee Izmir, iyadoo wasiir ka tirsan dowladda uu sheegay in dadka ay ku xayiran yihiin burburka.
Dhul-gariirkan oo cabirkiisu lagu qiyaasay 6.6 laga dareemay labada wadanba sidda ay sheegeen saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya masiibooyinka dabiica ah iyo dadka deegaanku.
Dhul gariirkan ayaa sida la xaqiijiyay waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dumay ilaa 20 cimaaradood.
Ugu yaraan 6 ruux ayaa geeriyootay halka 200 qof oo kale ay dhaawacmeen sida ay shaacisay Hay’adda Maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga.
Wasiirka Deegaanka ee dalka Turkiga Murat Kurum ayaa sheegay in dad badan ay ku xanibanyihiin ilaa iyo shan dhismo oo ku dumay dhul giriirka, waxaana uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka deg deg ay ku howlyihiin sidii dadkaasi loo soo bad baadin lahaa.