Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa saxiixay sharciyo dhawr ah, ka dib markii uu ansixiyay Baarlamaanka Galmudug.
Munaasabad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayuu Madaxweynaha Galmudug ku saxiixay sharciyada kala ah:-
1-Shariga Maareynta Deegaanka
2-Sharciga Hay’adaha
3-Sharciga Dhismaha Booliiska iyo
4-Sharciga Dowladaha Hoose.
Shuruucdan waxaa soo gudbiyay Wasaaradaha kala ah:- Deegaanka, Qorsheynta, Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose.
Madaxweynuhu wuxuu Golaha Barlamaanka Galmudug uga mahadceliyay ansixinta shuruucdan, isagoona xusay in shuruucdaasi ay gundhig u noqon doonaan in sifo sharci ah xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.
Munaasabadan ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Gudoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan Labada Gole, Garsoorka, La- taliyeyaal & Hawlwadeenno ka tirsan Madaxtooyada.