Wararka ka imaanaya degmada Warsheekh ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in rag hubeysan ay ku dileen hooyo iyo labo carruur ah ay dhashay deegaanka FIladheere oo ka tirsan degmada Warsheekh.
Falkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay haweeney iyo wiil ay dhashay,kuwaas oo gaaray dhaawac halis ah.
Hooyada la diley ayaa la sheegay inay ku jirtey umul oo ay haysatay ilmo yar xilligii uu dilku dhacayay.
Lama oga ujeedka ka dambeysa falkan argagaxa leh ee ka dhacay deegaanka Filadheere waxaana la sheegay in dadkii ka dambeeyay falkan ay baxsadeen.
Kooxo hubeysan ayaa deegaan ka tirsan degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ku dileen bartamihii bishii September ee sanadkan lix qof oo culumada deegaanka mid aheyd, kuwaas oo goob quraan saar ah ku sugnaa.