Ciidamada Jabuuti ee ka mid ah AMISOM kana howlgala Hiiraan ayaa qalab isboorti oo dhameeystiran ku wareejiyay xiriirka kubbada cagta ee Gobalka Hiiraan iyo kan Degmada Beledweyne si loogu horumariyo ciyaaraha Gobalka.
Munasabad kooban oo lagu wareejinayay agabka isboorti waxaa ku sugnaa Maamulka Gobalka, Sarakiisha Jabuuti iyo Uruurada Bulshada degmada.
Madaxda ciyaaraha ayaa ka mahad celiyay agabka isboorti ee ay Jabuuti ugu deqeen.
Sarakiisha Ciidanka Jabuuti ayaa sheegay in agabkan isboorti ay ugu talagaleen sidii ay ugu horumarin lahayeen Ciyaaraha iyo is dhexgalka dhallinyarada Degmada Beledweyne.