Raβiisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad ula yaabay war-murtiyeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen in ka badan 10 musharax oo sanadkan u tartameysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.
βWaxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay masβuuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.β ayuu qoraalkiisa ku yiri Mahdi Guuleed.
Qoraalka ayaan intaas ku sii daray, βWaxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya.β
Raβiisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, βMiyaanu arrinku ahayn βHalβ diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka βGeelaβ loo heeso uu raggu βGorayadaβ u heesi jiray? Wallee ina ragow talo adduun, taada uun maβ aha.β
