Raโiisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Magaalada Baydhabo kula kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.
Raโiisal Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka, doorka ay ku leeyihiin iyo inay xukuumadda ka caawiyan la dagaalanka Ururka Al Shabaab.
Qoraalse uu goor dhow soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Odayaasha Dhaqanka uu ku booriyay inay xoojinta la dagaalanka argagixisada, isku-haynta iyo heshiisiinta bulshada.
โOdayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed Somaliya ayaan caawa kulan kula yeeshay Baydhabo. Waxaan kula dardaarmay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabadeynta, la dagaalanka argagixisada, isku-haynta iyo heshiisiinta bulshada.โ Ayuu yiri Raโiisal Wasaaruhu.
Raโiisal Wasaare Rooble ayaa maanta Magaalada Baydhabo u tagay arrimaha doorashooyinka, dardargelintooda iyo suggida amniga magaaladaasi, oo lagu wado in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Raโiisal Wasaare Rooble ayaa sidoo kale la qorsheynaya inuu kormeero Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 60aad ku leeyihiin magaaladaasi.
Waa safarkii ugu horeeyay oo gudaha ah uu Raโiisal Wasaaruhu ku taggo Magaalada Baydhabo, tan iyo markii xilka loo dhaariyay 23-kii bishii September.