Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa xilka ka qaaday gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo ka mid ahaa masโuuliyiinta ugu waqtiga dheeraa maamulka Bakool.
Madaxweynaha ayaa gudoomiyaha Bakool u Magacaabay Shiina Macalin Nuurow , waxaana uu sidoo kale Magacaabay ku xigeenadiisa.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ay timid ka dib markii ay soo jeedino kala duwan uga yimaadeen Wasaarada Arrimaha gudaha iyo xildhibaanada degaanka kasoo jeeda.
Waxaa uu sidoo kale Magacaabay gudoomiye ku xigeenada gobolka Bakool.