Ilo xog ogal ah oo ka tirsan diblomaasiinta safaarada Qadar ayaa noo xaqiijeyey in safaradii musharax Xasan Cali Kheyre uu ku kala bixiyey dalalka Ruushka iyo Qadar ay ka danbeeyeen xubno ka tirsan Hayโada NISA.
Musharax Xasan Cali kheyre Raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa la sheegey in uu heley fursad aanu helin mushraxiinta dhigiisa ah kadib markii loo fududeeyey safaro caalami ah kuwas oo kula soo kulmey wasiirka Amuuraha Dibada Dalka Ruushka iyo Dhaxal sugaha Dalka Qatar.
Qaar kamid ah warbaahinta Madax banaan oo u kuurgashey sida ay ugu suuragashey in uu lakulmo musharax aan xil dowladeed hayn madaxdaaas heerka sare ah, ayaa ogaatey in Mr. Kheyre uu u fududeeyey masuul ka tirsan hayโada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka soomaaliya.
Teliyaha Hogaanka bagalka NISA Cabdullahi Daahir Cabdullahi Dheere oo lagu tiriyo shaqsiyaadka Madaxweyne Farmaajo ku dhaarto ayaa la sheegey in uu soo saaray Visa-ha Musharax Kheyre ku tagay Ruushka iyo Qadar.
Diblomaasiyiin safaarada Soomaaliya ee dalka Daqar oo magacooda qariyey ayaa sheegey in safarada musharax kheyre uu fududeeyey Masuulkaan ka tirsan Hayโada NISA isla markaana kaga soo hormaray dalka Qadar.
Wararka qaar ayaa sheegaya in habeenkii Isniinta Kheyre la geeyey Qasriga madaxtooyada Dalka Qadar, waxaana kulanka qeyb ka ahaa Teliyaha Hogaanka Dbagalka NISA oo markii horaba soo qaban qaabiyey kulankaas.
Teliyaha Hogaanka Dabagalka oo ah shaqsi wajiyo badan ayaa la rumeysan yahay in uu isticmaalo kaarar badan si uu usoo saarto hogaamiye isga ka amar qaata walow dowlada Mareykanka oo wakiil u yahay ku cadaadineyso in uu dhexdhexaad ka noqodo arimaha doorashada Soomaaliya.
Ilo ku dhow sargaalkaan ayaa noo sheegey in uu kacareysan yahay ficilada dowlada ay kawado deegaanada Jubaland, isagoo la sheegey in uu dhoor jeer kala hadlay Madaxweyne Farmaajo in la joojiyo ciidamada lagu daad gureynayo gobolka Gedo, balse Farmaajo ka biyo diiday.
Safarka kheyre ayaa la fahamsanyahay in uu wax ka ogyahay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo si wayn uga soo horjeeda in dib loo doorto Madaxweyne Farmaajo.