
Dowladda Jabuuti ayaa bilowday inay guda-gasho xal u helidda xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Dowladaha Somaliya iyo Kenya, ka dib markii Urur Goboleedka IGAD uu shaqadaasi u wakiishay.
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa koox xaqiiqo raadin ah u dirtay xuduudda Somaliya iyo Kenya, oo maalmihii ugu dambeysay laga soo sheegayay xaalad kacsanaan ah.
Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa Jimcihii sheegay in wafdigan ay isugu jiraan saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin.
Wasiirka ayaa ujeedada socdaalka ee wafdigaasi ku sheegay mid ay ugu kuurgelayaan xaaladda dhabta ahi ee ka jirta xadka Beled Xaawo iyo Mandhera.
Wasiirka ayaa bidhaamiyay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay sii wadi doonto dadaalada lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda ku soo korortay buu yiri gobolka.
Dowladda Somaliya ayaa dalbatay in la baaro Ciidamada Maamulka Jubbaland ee taabacsan Kenya, kuna sugan xuduudda, qaybta Kenya.