Warbixin uu soo saaray ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in ciidamada Ethiopia ay dileen dad ku dhow 75 ruux kadib banaanbaxyadii ka dhacay dil loo geystey fanaankii Hachalu Hundessa.
Hay’adan oo warbixintan daabacday maanta ayaa sheegtay dhammaan dadka ku dhintey shaqaaqadii ka dhacday dilkii fanaanka ay gaarayaan 123 ruux halka 500 oo kale ay ku dhaawacmeen.
“Qaar ka mid ah dadka la diley ayaa qoorta laga gooyay halka kuwo kalana jirdil loo geystey amaba wadooyinka lagu jiidjiiday.”ayaa lagu sheegay warbixinta.
Shaqaaqooyinkii dhacay bishii June iyo July ee sanadkii dhamaaday ayaa ka mid ahaa kuwii ugu waaweynaa ee ka dhaca dalka Ethiopia tan iyo markii uu xukunka la wareegey Abiy Ahmed.
Inkabadan lix kun oo ruux ayaa ku barakacay halka hanti faro badana lagu boobay rabshadahan oo la bartilmaameedsaday Amxaarada iyo Masiixiyiinta Orthodox.
Dowlada Ethiopia ayaan ka jawaabin eedeymahan loo soo jeediyay ciidamada Ethiopia waxana warbixintan ay soo baxday iyadoo dhowaan ciidamada Ethiopia ay weerareen gobolka Waqooyiga ku yaal ee Tigray iyadoo dad badan ay ku dhinteen weerarkaas.