Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay uga digeen heshiis qarsoodi ah oo dhinaca sahaminta shidaalka,baaris iyo qodis ah.
Qoraalka ayaa waxa ay ku sheegeen Midowga Musharaxiinta in dowladu ay la galayso heshiis labo shirkadood oo lagu kala magacaabo Liberty iyo Coastline halis aad u weyn oo ku soo fool leh masiirka midnimada ummada soomaaliyeed iyo kheyraadkeeda.
Midowga Musharaxiinta ayaa qoraalkan waxa ay u direen Madaxweynaha,Guddoomiyaasha Labada Gole,Xeer Ilaaliyaha Guud, Ra’iisul Wasaaraha,Hantidhowaha Guud,Xeer Ilaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboeledyada.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha’;