Wasiirka Batroolka Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faah faahin ka bixiyay wadada loo maray sharciga shidaalka, ee ay sida weyn uga horyimaadeen Golaha Midowga Musharaxiinta.
Wasiirka ayaa yiri “Anaga ka wasaarad ahaan waxaan ku dadaalnay inaan dib u eegis ku sameyno sharciga, Golaha Wasiirada ayaan marsiinay bishii October, 2017-kii, isla-markiina waxaa loo gudbiyay Golaha Shacabka. Golaha Shacabka intii uu yaalay waxay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay, heshiis loo yaqaano ‘Heshiiska Lahaanshaha Maamulka iyo Wadaagga Khayraadka Somaliya’, oo ay wada saxiixdeen Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Sharcigii Baarlamaanka yiilay heshiiskaasaa u noqday fal oo cadeynayay heshiiskaas ‘Yaa khayraadkan iska leh, sidee loo wadaagayaa hadduu soo baxo, yaa maamuli doono’ intaas heshiiskaasaa ka jawaabaya.”
Isagoo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayuu yiri “Heshiiskaas markii lagu saleeyay sharcigii, Golaha Shacabka waxa uu ansixiyay sharciga bishii May, 2019-kii. Shuruucda markii ay Golaha Shacabka ka soo gudubto waxaa loo gudbiyaa Aqalka Sare, Aqalka Sare-na wuxuu haystay muddo ku dhow toddobo bilood oo uu uga shaqeynayay. 7-dii bishii January, 2020 ayuu Aqalka Sare ansixiyay sharciga batroolka Somaliya.”
Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Batroolka Somaliya ayaa intaasi raaciyay “Waxaa u harsaneyd oo keliya in Madaxweynaha uu saxiixo, Madaxweynahana wuxuu saxiixay 8-dii bishii February ee sanadkii la soo dhaafay