Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.
Kulanka oo saacado socday ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen marxalada kala guurka ah ee dalka iyo doorashada ka dhaceysa Soomaaliya ay kal horey heshiis uga wada gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.
Qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda ayuu ku sheegay in Wakiilka Qaramada Madoobey James Swan uu si gaar ah ugala hadlay habsami u socdka doorashooyinka iyo sida xal buux loogu heli lahaa muranka doorashada.
“Waxa aan xafiiskayga ku qaabilay Amb. James Swan. Waxa aannu ka wada hadalnay arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ka mid yihiin arrimaha Doorashooyinka 2021” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.
James Swan ayaa saacado kahor kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Karaaiye Qoorqoor, isagoo kala hadlay xal u helida khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wakiilka Qaramada Madoobey uu Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ka cosaday in la xaliyo khilaafka ka taagan doorashada, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada-hadal.
James Swan ayaa horey Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay Shir wadatashi isugu yimaadan si xal buuxa looga gaaro khilaafka doorashada dalka, wallow arrintaas aan weli la fulin.