R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Muqdisho waxaa uu ka bilaabay kulamo lagu xalinayo tabashooyinka laga qabo arrimaha doorashooyinka.
Kulamadan ayaa looga gogol leeyahay sidii xal waara looga gaari lahaa muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka.
Sidoo kale R/Wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar la qaato xubnaha musharixiinta mucaaradka ee aadka u diidan guddiga doorashooyinka
Shalay ayay aheyd markii R/Wasaare Rooble uu kulan la qaatay hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ee CabdiraxmaanCabdishakuur Warsame, kaasi oo uu kala hadlay arimaha doorashooyinka iyo sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ay qabaan xubnaha mucaaradka ah
dhanak kale Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo sii wada kulammada uu la yeelanayo siyaasiniinta dalka, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Dr.Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo ay ka wada hadleen xallinta tabashooyinka arrimaha doorashada iyo dhowrista xasilloonida dalka.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shallay silamida qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame isagoo kalahadlay sidii doorasho nabdoon wadanka uga dhici laheed.