Guddiga KMG ah ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo shir isugu yimid ayaa waxay uga wada hadleen sidii ay u dardar gelin lahaayeen shaqada iyo waajibaadka loo igmaday.
Guddigan ayaa waxay ka wada hadleen qodobo badan oo taabanaya xaalada ganacsatada iyo ganacsiga Soomaaliyeed sidii loo hormarin lahaa, sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii loo dhisi lahaa maamul iyo nidaam maaliyadeed oo hufan oo ay yeelato Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.
Dhowaan ayay aheyd markii Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Khaliif Cabdi Cumar uu kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, isagoo magacaabay Guddi KMG ah oo sii wada howsha rugta ganacsiga, isla markaana muddo 60 cisho ku qabta doorashada Maamulka cusub ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.