Safiirkii hore Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya, isagoo walaac ka muujiyay xiisada siyaasadeed iyo is mari waaga ka taagan doorashada.
Stephen Schwartz ayaa sheegay in Beesha caalamka ay iska indha tirtay xaalada saxda ee Soomaaliya, taasna uu ka faa’ideystay Madaxweyne Farmaajo oo aanay Soomaaliya ka faa’ideysan.
Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu hamigiisa ugu weyn ahaa inuu wiiqo dowlad Goboleedyada, kana shaqeeyay inuu ciribtiro taasna ay sababtay inuu dalka gadaal u laabto.
Sidoo kale waxaa uu sheegay khilaafka dalalka Carabta uu saameeyay siyaasadda Soomaaliya, bilowga hore dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay dhex dhexaad ka aheyd, balse gadaal kala safatay Qatar, iyadoo Qatar ay dalka soo gelisay lacag aan lala socon, taasoo saameysay siyaasadda Soomaaliya, Turkiga ayuu sheegay inay taageerto qof walba oo xukunka yimaada, halka Qatar ay shaqsi taageerto.
Mar uu ka hadlayay xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayuu xusay in aanay jirin faa’ido ay Soomaaliya ku qabto xiriirka Eritrea, maadaama ay tahay dal aan dimoqraadiyad ka jirin, faa’idada Farmaajo ku qabo ay tahay dhinaca Milateri, taasoo ah sababta oo Jabuuti dal walaal la ah Soomaaliya uga doortay Eritrea.